Shirkada Xawilaadda ee Amal Express ee dalka Sweden ayaa tababar muhiim ah oo ku saabsan habka loo diro lacagaha iyo suuq-geynta ugu qabatey magaalada Gothenburg Wakiilada ka hawlgala dalka Sweden. Waxaana tababarkan bixinayay Sharci yaqaano iyo aqoonyahan ku xeel dheer Sharciyadda, suuq geynta iyo maamulwanaaga.

Hab diris sharciyeedka lacagta:

Ujeedada tababarkan, ayaa ahaa in aqoon loogu yeesho habka lacag dirista saxda ah, keydinta siraha iyo xogaha iyo fahamka sir xajinta.

Waxyaalaha ugu muhiimsan oo intii uu tababarkan socdey oo ahyed muddo 2 maalmood ah looga faa’iideystey ayaa waxaa ka mid ah sharciyadda cusub ee sanadkan 2017 soo baxey oo ay ugu muhiimsan tahay lacagta caddaanka ah ee hal mar hal qof loo diri karo inta ay tahay.

Suuq-geynta:

Tababarkan ayaa waxaa sidoo kale looga faa’iideystay habka suuq-geynta iyo qancinta macaamiisha Xawaaladda AMAL EXPERESS si macaamiisheeda ay iminka heysato ay ugu sii nagaadaan kuwo cusubna ay ugu soo biiraan iyadoo waxyaalo badan oo hawl fududeyn iyo u adeegid hufan laga helayo shirkadda.