Gaalkacayo(Puntland Post)-Xaflad uu soo qaban qaabiyey dugsiga sare ee Cumar Camatar isaga oo kaashanaya xawaaladda Amal Express oo katirsan bahda Amal group ayaa waxa lagu qabtay hoola shirarka Cumar Samatar.

Xawalada Amal express oo sanad-kii afraad Ardo 20 kor u dhaafaysa kabixinaysay sanad dugsiyeedka oo dhamaystiran ayaa waxa ay sanadkan waxbarasho kabixisay 20 arday oo ah kuwa ugu sareeya, kaalmahana kagalay dusgiga sare ee Cumar Samatar.

Kulanka waxaa ka hadlay maamulaha gobolka mudug ee Amal express abdishakur qureex, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday ahmiyada ay aqoontu leedahay iyo sida Amal Express uga go’an tahay ka qayb qaadashada arimaha bulshada dhan walba, wuxuuna bogaadiyey ardayda wax ka barata dugsiga Cumar Samatar ee ay Xawaaladda Amal Express ka caawisho kharashaadka Iskuulka.

Maamulka Iskuulka Cumar Samatar ayaa Xawaaladda Amal Express uga mahadceliyey sida ay mar walba u garab taagan yihiin Iskuulka iyo ardayda wax ka barata.

Wasiirka degaanka Dawlada Puntland Cali C/llaahi Warsame ayaa mahad balaaran u celiyey Shirkadda Amal oo door muuqda ka qaadatay horumarinta umada Soomaaliyeed siiba kuwa Puntland, wuxuuna sheegay inay Amal mudan tahay in iyada si gaara loogu hiiliyo maadama ay Bulshada u leedahay wax tar ka badan kuwa kale, sidoo kale wuxuu Iskuulka Cumar Samatar ku amaanay doorka ay kaga jiraan bahda waxbarashada Puntland.

Shirkadda Amal Group oo waayadii danbe Horumar balaaran samaysay ayaa si aada uga dhex muuqata Horumarinta baahida asaasiga ah, waxayna noqotay Shirkadda ugu xarumaha badan Puntland, waxaana doorka ay ku leedahay arimaa bulshada amaanay Dadweynaha reer Puntland.