Waxaa magaalada London ee cariga dalka Britain lagu qabtay kulan ay ka soo qeyb galeen, shirkado iyo hey’ado Soomaaliyeed, kulankan waxaa abaabulkiisa iska kaashaday Rugta ganacsiga Puntland

(Puntland Chamber of Commerce & Industry) iyo Somali Economic Forum, waxaa shirkaasi fududeeyay Amal Express iyo Golis Telecom.

Waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Rugta Ganacsiga oo in muddo ahba socdaal ku marayay dalkan Britain oo u jeedediisu aheyd inuu ka qeyb galo shirweynihii ka dhacay London ee looga hadlayay Kobcinat Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Soomaaliya, Waxaa uuna ka waramay xaalada dhaqaale ee Puntland ay ku sugantahay Iyo horumarka la gaaray, isagoo xusay baahida dalka uu uqabo xirfadleyda iyo sidii qurba joogta reer Puntland ey kaga faa’iideysan lahaayeen fursadaha manta wadanka yaal.

Abdirahsiid Yassin oo isagu ka socday shirkada xawaalada ee Amal Express ayaa isagu ka waramay muhimadda ay leedahay in la helo waxa uu ku tilmaamey ‘The Right Partnet’ sharkado munaasib ah. Waxaa oo kale uu yiri ma’aha in aad lacagtada ku darsatid kaliya qofka aad taqaanid ama ehelnimo isku kiin keento, bale waa in uu qofku eegaa qofka uu ganacsiga lagaleyo inuu yahay qof u qalma iyadda oo uu eegayo khibrada, xirfada, iyo taariikhda qofkaasu uu ku leeyahay ganacsigaasi, Waxaa uu tusaale u sooqaatay Shirkada Amal Express oo iyadu mido 17-sano ah ku jirtay ganacsiga diyaarna u ah in ey dadka doonaya in ay wadankii maal gashadaan la shaqeyso.